Xabadjoojinta Yemen oo burburtay

Lahaanshaha sawirka Reuters

Isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ee la dagaalamaya falaagada Xuutiyiinta Yemen, ayaa ku dhawaaqay inaysan u hoggaansameynin xabad joojinta.

Hadal uu isbahaysiga soo saaray, ayey ku sheegeen in fagalaada ay ku soo qaadeen dhowr weerar goobo xadka Sacuudiga ah, ayna madaafiic ku rideen magaalooyin Sacuudiga ku yaal.

Maalin kasta, ayaa lagu xadgudbaa xabadjoojinta la filyay inay abuurto qaab loogu xaajooda heshiis nabadeed oo dheer.

Qaramada Midoobay, ayaa aaminsan in qiyaastii lix kun oo ruux lagu dilay dagaalka ilaa markii isbahaysiga ay qaadeen ololahooda bishii March ee la soo dhaafay.

Falaagada Xuutiyiinta Shiicada oo ay Iran taageerto, ayaa kala bar Yemen gacanta ku haya.