Booliiska Kenya oo hub ka helay Mombasa

Booliiska dalka Kenya ayaa magaalada xeebta ah ee Mombasa ee dalka Kenya ka helay kayd aad u ballaaran oo hub ah.

Booliiska, ayaa soo saaray sawirada afar qof oo laga shakisan yahay oo lagu eedeeyay in loo raadinayo sababo la xiriira hubkan la helay.

Qoryo, ayaa ka mid ah hubka iyo ilaa konton qasnadood oo rasaas ah, walxo qarxa iyo 11 telefoonada gacanta ah.

Booliiska ayaa sheegay in dadka laga shakisan yahay ay ka tirsan yihiin kooxda Islaamiga ah ee al-Shabab.