Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hawsha biyo galinta Hargaysa

Maareeyaha guud ee wakaalada biyaha ee Hargeysa ayaa warbixin uu soo saaray wuxuu ku sheegay in dhigida dhuumo biyaha keena Hargeysa ay haatan gebo gebo ku dhowdahay

Dhamaadka sanadkan ayuu sheegay in Hargeysa ay heli doonto labaatan million oo liter oo biyo nadiif ah, halka maanta ay ka soo gaadhaan sagaal milyan oo keli ahi.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo wareystay maareeyaha wakaalada biyaha ee hargeysa Ibraahim Siyaad yoonis ayaa marka hore wuxuu weydiiyay halka ay mareyso hawsha dadweynaha Hargeysa ay aadka u suayaan ee biyo balaarinta Hargaysa.