Shirka wadatashiga oo mar kale dib u dhacay

Lahaanshaha sawirka

Waxaa lagu soo waramayaa in uu dib u dhacay mar kale shirka wadatashiga Kismaayo.

Sida uu BBC u sheegay wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish, waxaa magaaladda Kismaayo gaaray qaar ka mid madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Waxaana kaloo la filayay in uu magaalada Kismaayo tago madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Beesha Caalamka, ayaa sidoo kale shalay tagtay Kismaayo. Waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya.

Shirkan wadatashiga, ayaa waxaa ugu weyn qodobada laga xaajoonayo qaabka ay noqonayso doorshada sanadkan dhici doonta dalka Soomaaliya.