Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Somaliland oo billaabatay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Doorashada Somaliland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Maarso sanadka 2016-ka.

Somaliland waxaa maanta rasmiyan ka billowday diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada dhici doonta bisha Maarso ee 2017-ka.

Sida uu soo sheegaya weriyaha BBC-da ee Hargeysa 163 goobood ayaa saaka lixdii subaxnimo ay ka billaabantay diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada la filaayo in Somaliland ay ka dhacdo 27 Maarso 2017 .

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdilqaadir Iimaan ayaa BBC-da u sheegay in si fiican ay u socoto diiwaangelintu.

Gobolka togdheer oo isaga lagu billaabay hawsha iyadoo lixda gobol ee Somaliland mid walba bil loogu talo galay in dadka iska diiwaangeliyaan .

Waxaa la diiwaangelinayaa dadka da'doodu ka weyn tahay 16 sano jir ee Somaliland u dhashay ama muddo deganaa.

Cuqaasha deegaanka, wakiilo ka kala socda saddexda xisbi ee ka jira Somaliland ee waddani, kulmiye iyo UCID iyo shaqaalaha goobta oo ka kooban ardayda jaamacadaha iyo ciidanka ammaanka ilaalinaya ayaa jooga goob kasta jooga oo ay diiwaangelintu ka socota, waxaana qof kasta laga qaadaya faraha iyo sawirka indhaha iyadoo la isticmaalayo qalab casri ah oo koombiyuutar ku shaqeynaya .

Dhaqaala ku baxaya hawshani ayaa waxaa bixiyay xukumadda Somaliland iyo deeq-bixiyaasha caalamiga ah sida Midowga Yurub.

Xisbiyada ayaa abaabul weyn u galay in xisbi kastaa uu taageerayaashiisa keeno goobta u dhow deegaan kasta .

Gobolka togdheer oo ay hadda ka billaabatay diiwaangelinta ayaa marka ay ka dhamaato waxaa ku xigi doona gobolka Awdal kadibna gobolka Saaxil.