Mudaaharaadyo ka dhacay Tunisia

Lahaanshaha sawirka European Photopress Agency
Image caption Tunisia ayaa shaqo la'aanta ku badatay markii ay yaraadeen dalxiisayaashii kadib weerar dhacay sanadkii hore.

Boliiska Tunisia ayaa lagu soo waramayaa inay ku fureen gaaska ilmada dadka ka keena boqolaal ka mudaaharaadaya shaqo la'aan.

Mudaaharaadka ayaa yimid laba maalin kadib markuu nin isdilay, qaar ka mid ah dadka mudaaharaadaya ayaa ku hanjabay inay isdilayaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Tunisia, ayaa soo rogay wati habeenkii aan la socon karin laga bilaabo lixda habeenimo ilaa shanta subaxnimo.

Mudaaharaad noocan oo kale oo shan sano ka hor ka bilaabmay magaalo ayaa keenay kacdoon dowladda riday.