Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

QM oo codsatay gargaar Soomaaliya

Soomaaliya dad gaaraya shan milyan oo qof ayaa u baahan gar gaar deg deg ah, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Waxaa maanta magaalada Nairobi shir shir jaraaid ku qabtay Qaramada Midoobay iyo ururada samafalka ee gar gaarka bani-aadminimada, iyagoo caalamka u jeediyey codsi lacag dhan 885 Milyan oo doollar oo lagu kaalmeeyo dadka gar gaarka u baahan, oo ay ku jiraan 310,000 oo carruur macaluushay.

Wariyaha BBC Bash-kas Jug-soo-dhacay, oo shirka jaraa'id joogay ayaa wareystay Abdirahman Shariif ,oo ka tirsan ururrada aan dawliga ahayn ee Somaaliya (NGOs) oo uga waramay ahmiyadda codsigii ay sida wadajirka ah u soo jeediyeen QM iyo hay'adaha gargaarka.