Afwerki oo beeniyay in cunto yari heysato

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa ku ganacseyray cabsida ah in dalkiisu ay heysato cunto yari ba'an - iyada oo abaar xun ay ka taagan tahay Geeska Afrika.

Waxa uu warbaahinta dowladda u sheegay in siyaasadda dowladda ee wanaagsan ay ka dhigan tahay in Eritrea ay wax ka qaban karto wax soosaarka beeraha ee hoos u dhacay.

Qaramada Midoobay ayaa dhowaan ka digtay in duufaanta El Nino ay sababtay abaar xun oo ka dhacday Eritrea, taasi oo hoos u dhigtay wax soosaarkii miraha beeraha boqolkiiba konton iyo sagaal.

Kooxaha xuquuqda aadanaha u ololeeya ayaa sheegay in cadaadiska dowladda ay ku heyso dadka ay keentay in shan kun oo qof ay ka qaxaan dalka bil walba.