Hague: Xarun ka hortaga argagixisada oo la furay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dalalka Yurub ayaa adkaynaya xuduudahooda.

Agaasimaha hayadda boliiska Midowga Yurub, Rob Wainwright, ayaa sheegay in kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ay samaysatay hab dagaal oo ay ku bartilmaamaysanayso Yurub.

Mr Wainwright ayaa ka hadlayay xarun laga furay Hague ee Midowga Yurub ay kula dagaalamayso argagixisada. Ujeedada xarunta ayaa ah inay waddamada Yurub ay wadaagaan xogta.

Mintidiinta islaamiga ayaa horaantii sii daysay video muujinaya sagaalkii nin ee weeraray Paris bishii November.

Filinka ayaa ku dhamaanaya baarlamaaka Britishka oo u codaynaya weerarka IS ee Suuriya.