WHO oo ka digtay cudurka Zika

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ilmaha cudurka uu ku dhaco ayaa ku dhasha madax yar.

Hayadda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in cudurka kaneecada laga qaado ee Zika virus la filayo inuu saamayn ku yeesho dalalka qaarada Amerika inta aanan ka ahayn Canada iyo Chile.

Cudurkan ayaa ku faafayay Brazil oo qaban doonta Olympiga sanadkan. WHO ayaa xaqiijisay in viruska laga helay biyaha ragga, iyadoo suurto galinaysa in la isku gudbiyo.

Viruska ayaa ilmaha uurka ku jira ka saamaysa maskaxda, iyadoo ilmaha ay dhashaan iyagoo maskaxdooda ay yar tahay.

Dumarka uurka leh ayaa laga waaniyay inaysan u safrin meelaha cudurka uu ka jiro