Nin hub wata oo lagu xiray Disneyland

Lahaanshaha sawirka

Boliiska Faransiiska ayaa ku xiray nin watay laba qori Hotel ku yaala Disneyland ee magaalada Paris.

Ninka, ayaa lagu waramayaa inuuu jiro 28, ciidamada ammaankana aysan aqoon.

Waxaa la qabtay isagoo wata quraan iyo sanduuq ay ku jiraan xabado sida uu sheegay boliiska.

Mashiinada dadka baaro ee la dhex maro ayaa qayliyay markuu soo galay Hotelka.

Faransiiska ayaa ku jira xaalad deg deg ah kadib markii kooxo argagixiso ay weerareen Paris bishii November ee sanadkii hore.

Qof dumar ah oo la socotay ninka ayaa sidoo kale la xiray.

Disneyland Paris ayaa ka mid ah meelaha ugu waawayn ee dalxiiska loo tago Yurub.