Wariye weyn oo geeriyooday

Lahaanshaha sawirka PA

Warye Terry Wogan oo ka mid ahaa wariyeyaasha ugu waaweyn ee dalka Britain sanaddo badan ayaa geeriyooday. Mr. Wagon ayaa waxaa uu jiray todobaatan iyo todoba sanadood.

Bayaan qoyskiisu ay soo saareen ayaa ay ku sheegeen in uu Mr. Wagon muddo kooban u xanuusanaan cudurka Kansarka.

Terry Wagon ayaa ku dhashay dalka Ireland, waxuuna shaqadiisii ugu horeysay ee warbaahinta uu ka bilaabay dalka Ireland ka hor inta uusan ku soo biirin BBCda sanadadii lixdameeyadii.

Waxuuna isla markiiba Terry noqday dadka ugu caansan ee soo jeediyay barnaamijyada mededaaladda ee heesaha.

Sanadadii sideetameeyadii ayaa waxaa barnaamijkiisa Tvga daawan jiray dad gaaraya malaayiin. Mr. Wagan ayaa waxaa uu sidoo kale soo jeedin jiray barnaamijka BBCda ee dalalka Yurub ku tartamaan heesaha ee Eurovision Song Contest.

Waxuuna door weyn ka qaadan jiray in lacago boqolaal milyan ah loo ururiyo hay'adaha samafalka ee caruurta.