Ardogan oo cambaareeyay Ruushka

Lahaanshaha sawirka AP

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa cambaareeyay weerarka Ruushka uu ka wado Suuriya, isagoo sheegay in wadahadalka nabada uu ka dhigay mid aan waxba tarayn.

Wuxuu hadlay maalin kadib wadahadalka nabada ee Suuriya oo dib loo dhigay. Qaxooti aad u badan ayaa imanaya Turkiga iyadoo Ruushka uu weerar ka wado magaalada Aleppo.(Xalab)

Horaantii Maraykanka ayaa ku eedeeyay Ruushka iyo dowladda Suuriya inay raadinayaan xal milatari oo aysan rabin in loo helo xal siyaasadeed dagaalka.

Ruushka ayaa sheegay inay ka xun yihiin wadahadalka joogsaday ee Geneva, laakiin waxuu sheegay inaan la filanayn xal deg deg ah.