Turkiga oo laga dalbaday in uu ogolaado Suuriyiinta

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Qaxootiga Suuriya ee ku xanniban xudduuda Turkiga

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa waxa ay ugu baaqeen Turkiga in uu dalkiisa u ogolaado in ay soo galaan tobanaan kun oo qaxooti Suuriyiin ah oo ku xanniban xudduuda Kilis, kaddib markii ay ka soo carareen dagaal dalkooda ka socda.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini, ayaa sheegtay in ay caadi tahay haddii aanay waajibaad sharci aheynba in dadka la ilaaliyo.

Turkiga ayaa sheegay in qaxootiga ay gudaha Suuriya ku helayaan cunno iyo gabbaad sidaas daraadeedna aanan loo baahnayn in ay xadka soo tallaabaan.

Ku dhawaad 35,000 oo Suuriyiin ah ayaa waxa ay ka qaxeen weerrarada ay ciidammada dowladda ku hayaan deegaano u dhaw dhaw Xalab.

Ms Mogherini, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu dhaqaale siin doono Turkiga si loo xaqiijiyo in Turkigu uu awood u yeesho in uu martigaliyo dadka magangalya doonka ah.

Midowga Yurub ayaa bishii Nofeembar waxa ay heshiis ku kacaya $3.3 bilyan oo doolar la galeen waddanka Turkiga, si ay u dhaqaaleeyaan qaxootiga Suuriya ee ku sugan gudaha Turkiga.