Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Puntland oo diidan 4.5

Waxaa maanta ka dhoofay magaalada Garowe waftigii ka socday beesha caalamka ee uu hogaaminayey wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Micheal Keating.

Wafdiga ayaa shirar iyo wada xaajoodyo kala soo yeeshay qaybaha bulshada iyo madaxda Puntland qaabka doorashada Soomaaliya ee sanadkan 2016 dawladda federalku ay ku saleysay habka 4.5, hase ahaatee Puntland ay diiday.

Haddaba maanta markii ay shirarkii dhammaadeen, ayaa wixii ka soo baxay natiijadii wada hadaladoodii waxaa ka waramay wasiirka warfaafinta Puntland ee Maxamuud Xasan Soo-Cade.