Xabad joojin ka dhacaysa Suuriya

Lahaanshaha sawirka Reuters

Waddamada caalamka ee taageera Suuriya ayaa qabsaday muddo isbuuc ah oo kama dambeys ah oo ay tahay in ay ku gaaran xabbad joojin

Xabad joojinta aya alagu wadaa inay ka dhaqangasho guud ahaan dalkaasi Suuriya,

Waxa ayna wadamadan ku heshiiyeen tallaabo looga hortagayo in halkaasi ay ka dhacdo musiibo bani'aadanimo

Arrintaasi ayaa waxaa magaalada Muikh kaga dhawaaqay xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka John Kerry iyo dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov

Balse Ruushka ayaa isagu sheegay inuu sii wadayo duqaymaha uu ku hayo goobo qaas ah oo ay ku sugan yihiin jabhadaha qaar

Xaaladda bani'aadanimo ee dalka Suuriya ayaa aad looga dayrinayaa gaar ahaan deegaanka magaaladda Xalab

Colaada dalka Suuriya waxaa ku lug leh dhowr wadan oo siyaasad ahaan iska soo horjeeda