Baadari John Paul oo xiriir la lahaa haweenay

Lahaanshaha sawirka Photograph provided by Bill and Jadwiga Smith
Image caption sawirada waxaa ka mid ah kuwo ay ka muuqato nasasho

BBC ayaa heshay dukumiintiyo muujinaya in hoggaamiyihii hore ee Kaatoliga John Paul-ka labaad uu xiriir la lahaa haweeney la qabo oo ay wada socdeen muddo 30-sanno ah.

Warqadahan, oo loo diray filasoofiyad haysta dhalashooyinka Maraykanka iyo Poland oo la yiraahdo Anna-Teresa Tymieniecka ayaa laga qariyay dad weynaha lana dhigay maktabada qaran ee Poland.

Waraaqahan ay isku dirayeen ayaa waxaa ka muuqday in John Paul oo aan wali baadari weyne weli noqonin in uu ku marti qaaday haweeneyda Anna Teresa iyo dad kale in ay kala qeyb galaan ciyaaha barafka lagu ciyaaro iyo in ay safar wada galaan.

Kaddib markii loo doortay in uu noqdo baadari weynaha ayaa wali waxaa uu wakhti u helayay saaxiibadii.

Macluumaadkan wuxuu daaha ka rogayaa dabeecad ama dhaqan aanan horay loo ogaan oo ku saabsan baaderiga oo geeriyooday 2005-tii

Hasayeeshee ma jiro wax muujinaya in baadarigu uu ku xadgudbay ballantii uu qaaday ee ahayd in uu ka caaganaado dumarka

saaxiibtinimada ka dhaxeysay isaga iyo haweenaydan ayaa waxa ay bilaabatay 1973-dii xiligaas oo haweenaydan xirir la sameysay baaderiga waxayna kala hadashay buug uu isgu ka qoray cilmiga folosofiga.

Xiligaas da'diisu waxa ay ahayd 50 sanno, waxa la oron jiray Karol Waytula - waxa uuna ahaa madaxa kaniisada Kaatoliga ee krakow dalka maraykanka.

Wuxuu uu u safray dalka Poland si uu haweenaydaas uga la soo hadlo buuga uu qoray.

Waxa halkaas ka bilawday in ay qoraalo isku diraan.

Markii hore waraaquhu waxay ahaayeen kuwa u qoron qaab rasmi ah, balse inta uu sii socday xiriirkooda ayaa waxa muuqata in ay aad isugu sii dhawaadeen

Lahaanshaha sawirka Photograph provided by Bill and Jadwiga SmithImage captionThe Pope at the Vatican with AnnaTeresa Tymieniecka

waxay ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan buuga uu qoray oo ay ballaariyaan.

Marar badan ayay kulmeen, wakhtiyadda qaar, ma jirin cid ku wehelisay kulamadooda.

1974-tii waxa uu sheegay in uu dib u akhriyay afar waraaqood oo ay haweenaydan u soo dirtay bil gudaheed waxa uuna ku tilmaamay warqadahaasi in ay ahayeen kuwa micno wayn u leh isaga.

Sawirada ma ahayn kuwa horay loo arkay waxaana ku jira kuwa muujinaya badariga oo ay ka muuqato debecsanaan iyo nasasho