Horumarka kansarka dhiiga

Lahaanshaha sawirka SCIENCE PHOTO LIBRARY

Cilmi baarayaasha sayniska ayaa sheegaya, in hab cusub oo lagu daawayn karo kansarka mustaqbalka uu suurto galin karo sida talaalka oo kale inuu ka hortago soo noqoshada kansarka.

Daraasaadka oo lagu soo bandhigay kulanka Uruka Maraykanka ee Horumarinta Sayniska ee Washington ayaa sheegaya natiijooyin wayn.

Mid ka mid ah ayaa sheegaysa in daawaynta unugyo shaybaarka lagu sameeyay oo loo yaqaan T cells, guul aan horay loo arag laga gaaray oo ay ku daawoodeen boqolkiiba sagaashan bukaankii aadka u xanuunsanaa oo qabay kansarka dhiiga.

Laakiin dadka qaar ayaa sidii la rabay ku noqon daawaynta, saynisyahanadana waxay dhaheenbaaritaano dheeraad ah ayaa loo baahanyahay.