Austria oo xaddideysa tirada soo galootiga

Illegal migrants towards Austria Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dadka ku soo qulqulaya dalkka Austria

Dowladda Austria waxay soo saartay xaddidaad ay ku sameynayso tirada dadka soo galootiga ah iyo qaxootiga loo oggolaanayo inay dalkeeda yimaaddaan, inkastoo guddoomiyaha Yurub u qaabilsan socdaalka, Dimitris Avramopoulos, uu tallaabadaas ku tilmaamay mid si cad uga soo horjeedda qaanuunka Midowga Yurub.

Ugu badnaan waxaa maalintii la qaban karayaa 80 codsi oo megangelyo doon ah xadkeeda dhinaca koonfureed, oo marka tiradaas la qabto maalinba la xiri doono.

Vienna waxay sheegtay in tallaabadaas loo baahday sababtoo ah qorshe ay Midowga Yurub ugu tala galeen in Turkey ay adkayso tirada dadka soo galootiga ah ee dalkeeda uga sii gudbaya Yurub oo aan weli shaqaynayn.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub waxay ku dhawaaqeen inay shir-madaxeed la yeelan doonaan Turkey horraanta bisha dambe ee March si la isugu dayo in xal cusub loo helo dhibaatadan.