Obama oo doonaya inuu xiro Guantanamo

Lahaanshaha sawirka Getty

Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu doonayo inuu xiro xabsiga Guantanamo ee Cuba intuusan xafiiska ka tagin. Isagoo ka hadlaya Telefishinka, ayuu sheegay in xabsiga uu ka soo horjeedo dhaqanka Maraykanka waxna u dhimaysa ammaanka Maraykanka.

Waxaa ku jira sagaashan iyo kow maxaabiis xabsiga.

Mr Obama ayaa sheegay in qorshahiisa ay tahay in qaar kood loo diri doono xabsiyo Maraykanka.

Qorshe hore ee uu ku doonayay inuu ku xiro xabsiga ayaa waxaa hor istaagay Congresska oo uu ku badan yahay xisbiga Republiga.