Hoteelka SYL oo al-Shabaab weerartay

Lahaanshaha sawirka AFP

Laba qarax oo xoog leh, ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Hoteelka SYL, oo u dhow koontaroolka koowaad ee madaxtooyada, ayaa qaraxu koowaad ka dhacay, iyadoo kadibna rasaas la maqlay.

Waxaa ka dambeeyay qarax kale oo isla goobta laga maqlay 40 daqiiqo kadib.

Al-Shabaab oo BBC la soo xiriirtay ayaa sheegatay in ay gudaha u gashay hoteelka oo rag hubaysan oo ka socdana ilaa hadda ku jiraan

Lama oga ilaa hadda cid wax ku noqotay, lamana xaqiijin karo sheegashada al-Shabab.