Duminta xerada Calais oo bilaabatay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xerada ayaa si sharci daro ah ay u dageen kumanaan qof oo doonaya inay yimaadaan Britain

Kooxaha wax dumiya ayaa dekadda Faransiiska ee Calais ka bilaabay inay dumiyaan xerada qaxootiga oo loo yaqaan Jungle.

Ilaa labaatan shaqaalo oo wata cagaf cagaf ayaa yimid goobta, kadib markii maxkamad ay amar ku bixisay in la dumiyo xerada dhamaan inta aan ka ahayn hal dhismo.

Boliiska rabshadaha ayaa goobta yimid markii ay bilaabatay duminta.

Masuuliyiinta Calais ayaa bilaabay talaabo sharci oo u ogolaanaysa inay dumiyaan xerada oo dhan, halkaasoo ay si sharci daro u dageen kumanaan qaxooti oo doonaya inay yimaadaan Britain.