Barclays oo yaraynaya howlaha Afrika

Lahaanshaha sawirka AFP

Barclays bank ayaa ku dhawaaqay qorshe uu ku badalayo hawlahiisa Afrika kadib hal qarni oo uu ka shaqaynayay qaarada.

Barclays ayaa hadalkan ku dhawaaqay iyadoo qayb ka ah isbadal wayn oo uu samaynayo, kadib markii qiimaha saamiyadahiisa ay hoos kala bar ugu dhaceen sanadkii hore.

Bangiga ayaa sheegay inuu dhimi doono, lixdan iyo laba boqolkiiba qaybta bangiga ee howlihiisa Afrika labada ilaa saddexda sano ee soo socota.

Bangiga ayaa sheegay inuu yaraynayo howlihiisa, si uu xooga u saaro laba qaybood oo ugu muhiimsan howlahiisa oo kala ah Barclays UK iyo Barclays Corporate & International.