Taliye lagu dilay Berbera

Taliyihii boliiska qaybta gobolka Saaxil ee Berbera Gaashaanle sare Cabdirisaaq Yusuf Maxamed ayaa maanta lagu dilay meel u jirta 30km dhinaca bariga ee Berbera.

Dilka ayaa BBC waxaa u xaqiijiyay Wasiir ku-xigeenka amniga ee wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.

Wasiir ku xigeenka Maxamed Muuse Diiriye, wuxuu intaa ku daray in wararka hor dhaca ah inay tahay, in dablay rasaas ku fureen iyadoo madax uu ka mid yahay taliyaha geeriyooday ay ku safrayeen meel waddo ah oo deegaankaasi ah.