Rouhani oo ka hadlay doorashada Iran

Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani, ayaa sheegay in natiijada doorashada baarlamaank ay muujisay in dadka reer Iran aysan rabin iska hor imaad caalamka.

Mr Rouhani ayaa hadlayay markii ugu horaysay, tan iyo markii ay soo baxday natiijada ee taageerayaashiisa iyo dadka isbadalka doonaya ee la jira ay ku guulaysteen doorashada.

Siyaasiyiinta aan isbadalka doonayn ayaa waayay aqlabiyadii baarlamaanka oo ay ku badnaayeen.

Mr Rouhani ayaa sheegay in dadka reer Iran ay ugu sheegeen adduunka, si cad inay rabaan furfurnaan oo aysan doonayn xagjirnimo, iyo iskaashi oo aysan doonayn iska hor imaad.