Suuriya oo koronto la'aan ah

Lahaanshaha sawirka

Warfaafinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay in korontadii waddanka oo dhan ay go'day.

Wakaalada wararka ee dowladda ayaa ka soo xigatay ilo wasaarada tamarta oo sheegaysa in korontadii ay ka go'day gobolada oo dhan.

Ilaha wasaarada, ayaa sheegay inaan la ogayn sababta ay korontada u go'day, iyo in la isku dayayo in la ogaado sababta.

Korontada ayaa si joogta ah uga go'da Suuriya shantii sano ee uu socday dagaalka, laakiin inay waddanka oo dhan ka go'do ayaa yar.