Qorshe ka dhan ah tacaddiyada ciidamada UN-ka

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Howlgalka UN ee ugu badan waxaa laga wadaa Afrika

Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaarinayo qaraar qabyo qoraal ah oo golaha ammaanka qaramada midoobey uu shaqada uga ceyrinayo ciidamada nabad ilaalinta qaramada midoobey ee loo haysto xad gudubyo dhanka galmada ah haddii aanan tallaabo baaritaan la qaadin.

Sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay eedaha xadgudubka dhanka galmada ama handadaada ay geystaan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay waxa ay gaartay 69 taa oo noqonaysa in sedex meelood hal meelood ay korortay tiradaasi.

Kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee u qaabilsan hawlgallada Atul Khare, ayaa BBC-da u sheegay in Qaramada Midoobey ay qaadeyso tallaabo ay ku caawineyso dhibbanayaasha isla markaana lagu maxkamadeynayo dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Qaraarkan ayaa waxa uu siindoonaan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey Ban Ki Moon awood uu shaqada uga eryi karo nabad ilaaliyayaasha, iyadoo sidoo kale dal laga saari karo howlgal haddii aan waxba laga qaban eedahani.