Trump oo ku guulaystay 3 gobol

Lahaanshaha sawirka Getty

Donald Trump ayaa ku sii dhawaaday magacaabida musharaxnimada madaxweynenimada Maraykanka ee xisbiga Republiga wareegii ugu danbeeyay. Wuxuu ku guulaystay tartankii gobolada Michigan, Mississippi iyo Hawaii, inkastoo dhaleeceen badan ay uga timid dad ka mid ah xisbiga Republiga todobaadkii hore.

Tartanka musharaxnimada xisbiga Dimoqraadiga, Bernie Sanders ayaa ku guulaystay Michigan. Laakiin Hillary Clinton ayaa ku guulaysatay Mississippi, iyadoo kordhisay hogaankeeda.