Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Shirka Baladweyne

Shir lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Jowhar oo la qorshayanayey in looga arrinsado maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa baaqday.

Sababaha baaqashadiisa ayaa lagu macneeyey ayadoo ergooyinkii dhinaca Hiiraan ay qaadaceen.

Magaalada Beledweynena waxaa in muddo ah kulan ku lahaa ugu yaraan 8 ugaas oo gobolka ka soo jeeda, kuwaasoo halkaas ka wada shir barbar socda kan Jowhar.

Haddaba arrimahaas ayuu Farah Lamaane ka waraystay Ugaas Cali Muxumad Shafeec oo ku hadlaya afka ugaasyada ku shirsan Beledweyne, wuxuuna marka hore weydiiyey waxa uu shirkoodu ku saabsan yahay