Nin Shabaab ka tirsan oo dil lagu xukumay

Lahaanshaha sawirka AP

Nin lagu tuhunsanyahay in uu ka tirsanyahay Al-shabaab oo lagu helay dambi ah in uu weeraray goob lagu caweeya sanadii 2012-ka ayaa lagu xukumay dil.

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa ku heshay Thabit Yaxya oo 35 jir ah in uu dilay gabadhii ilaalada ka ahayd barkaasi oo ku yaalla magaalada Mombasa.

Gabadha ayaa isku dayday in ay joojisaa Thabit balse waxa uu markiiba tuuray bambaanadii uu watay.

Shan qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi.

Baliiska Kenya ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in Yaxye lagu soo tababaray Sucuudiga.