Israa'iil oo xirtay TV-ga Falastiiniyiinta

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ciidamada Israa'iil waxay la wareegeen xarunta iyo qalabkii yaalay

Ciidamada Israa’iil waxa ay xireen telefishan ay la haayeen Falastiiniyiinta oo ku yaala Daanta Galbeed.

TV-gaa Yahuudda waxay ku eedeeyeen inuu faafinayay warar naceyn abuuraya iyo kicin dad weyne.

Xalay, ciidamada Israa’iil waxay weerar ku qaadeen xarunta TV-ga oo lagu magacaabay Maanta iyo Falastiin oo fadhi u ahayd Ramallah.

Waxay qaateen qalabkii Telefishinka iyo war lalisyada xaruntaasi yaalay.

Barta amniga Inetrnet-ka ee Israa’iil, Shin Bet, waxa ay warbaahinta Falastiiniyiinta ku sheegtay inay u adeegto Islaamiyiinta iyo Jihaadka.

Waxa ay laantaasi sheegtay in TV-ga iyo barihiisa internet-ka laga baahiyo warar dhiira gelinaya weeraro ka dhan ah Israa’iil.

Kanaalkaasi oo sidoo kale xarumo ku leh marinka Qaza, waxaa la sheegay inay wararka ay u soo gudbinayeen Daanta galbeed ayagoo adeegsanaya war lalisyo yaalla dalka Lubnaan.