Wadahadalka nabada ee Suuriya

Lahaanshaha sawirka EPA

Wakiilka Qaramada Midoobay, Staffan de Mistura, ayaa ku tilmaamay wareega cusub ee wadahadalka nabada ee Geneva "waqtigii runta". Isagoo hadlaya wadahadalada ka hor, Mr de Mistrura ayaa sheegay in waxa ugu wayn ay tahay isbadal siyaasadeed, waxa kale oo harayna ay tahay in dagaal lagu noqdo.

Laakiin Dowladda Suuriya iyo mucaaradkaba ma muujinayaan wax tanaasulaad ah oo ku saabsan mustaqbalka madaxweyne Assad.

Mr de Mistura ayaa ka digay hadalada dibada laga dhaho in wadahadalka aya wax u dhimayso.

Labada dhinac si toos ah uma wadahadlayaan, Mr de Mistura ayaa wakiilada dowladda marka ugu horaysa la kulmi doona.