Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland:Caymiska ay beelaha bixiyaan

Qaaraanka beesha, ayaa inta badan ah kan lagu xaliyo marka darawalada baabuurtu ay galaan shil keena dhaawac iyo dhimasho.

Darawalka shilka galay, wuxuu dawaynta iyo magta loo qabsado si toos ah ugula laabtaa beeshiisa, oo soo uruurisa lacagta ku baxaysa daryeelka dhaawaca iyo magta dadka ku dhinta shilka.

Caymiska qabyaaladda, waxaa ugu wacan, iyadoo caymiska shilalka gaadiidka uu ku yar yahay Somaliland.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige Ayaa warbixinta ka soo diyaariyay.