Duqeyn ka dhacday Yaman oo 30 qof ay ku dhinteen

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Xuutiyiinta ayaa dhul badan laga qabsaday

Saraakiisha caafimaadka ee waqooyiga dalka Yaman waxa ay sheegayaan in inkabadan 30 qof oo rayid ah lagu dilay duqeyn diyaaradeed.

Waxa ay sheegeen in suuq ku yaalla degmada Mustaba la duqeeyay.

Xilli sii horeysay, hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee, Medecins Sans Frontieres (MSF) waxa ay sheegtay in mid ka mid ah cisbitaalladeeda la duqeeyay.

Tobannaan qof oo shacab ah ayaa weerarkaasi ku dhaawacantay.

Goobaha la duqeeyay waa meelaha ay ku xoogga badan yihiin maleeshiyada shiicada ee Xuutiyiinta.

Mucaaradkaasi waxay dagaal kula jiraan dowladda Yaman iyo isbeheysiga uu Sacuudiga hogaaminayo.

Waxayna xulafada Sacuudiga qaadeen weeraro isdaba jog ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

Afhayeen u hadlay Isbeheysiga waxa uu sheegay inay baarayaan warka ah in la duqeeyay suuq, ayna xilli hore noqoneyso in arrintaasi laga hadlo.