Doonyaha Libya ka imanaya oo kordhay

Lahaanshaha sawirka Getty

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ilaalinaya badda Mediterraniyanka, ayaa sheegay inay bateen dadka doomaha kaga imaanaya Libya ee imanaya Italy.

Labadii maalmood ee ugu danbaysay ciidamada Midowga Yurub ayaa soo badbaadiyay in ka badan laba kun oo qof.

Sirdoonka milatariga ayaa sheegay in in ka badan boqol kun oo qaxooti ay joogaan Libya iyagoo sugaya inay doonyaha soo raacaan, iyadoo qabowgii uu dhamaanayo.