Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkii Nugaal

Lahaanshaha sawirka d
Image caption Alshabaab horey waxay ugu sugnaayeen Galgala

Wararka ka imaanaya deegaanadii shalay lagu dagaallamay ee Puntaland ayaa sheegaya in hadda xaaladda deegaanadaasi ay deggan tahay saakana uusan dagaal dhicin.

Sida dad deegaanka ay sheegayaan mararka qaar waxaa la maqlayaa rasaas goos goos ah oo dheceysa.

Maamulka Puntland ayaa la sheegayaa in guddi hogaamiya dagaalka ay u saartay arrintaasi.

Maamulkaasi ayaa shalay sheegtay in ay kooxda Alshabaab ay ka dileen 11 dagaal yahan, kaddib dagaal aad u xoog badan oo labada dhinac ku dhexmaray gobolka Nugaal.

Xaalad cabsi ah ayaa la soo derista dadka deggan deegaanada lagu dagaallamay, welina la isku hor fadhiyo.