Manchester United oo ka hartay horyaalka Europa League

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Manchester United way yartahay farsadda ay xilligan koob un u qaadi karto

Kooxda Manchester United ayaa xalay laga reebay horyaalka Europa League kaddib markii 1-1 ay isla dhaafiwaayeen kooxda Liverpool.

Gool uu dhaliyay Philippe Coutinho ayaa dilay rajadii kooxda Manchester United oo hoygeeda Old Trafford ku hartay.

Dhanka macallim Jurgen Klopp waxa ay isku difaacayeen laba gool oo ay lugtii koobaad ku soo adkaadeen.

Jesse Lingard iyo Juan Mata waxa ay iska beerdareeyeen laba fursadood oo aad u wanaagsanaa, halka David de Gea oo difaacay gool inuu dhashay la mooday oo uu laaday Coutinho, halka Daniel Sturridge oo birta ku dhuftay laad xor ah, sidoo kale Henderson ayaa fursad Liverpool ka beerdareeyay.