US oo soo dhoweysay joojinta dagaalka Yaman

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Sucuudiga ma uusan sheegay dagaalka dhulka ah in la joojinayo

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhoweysay ballanqaadka Sucuudiga iyo isbeheysigiisa oo sheegay inay hoos u dhigayaan dagaalkooda hawada ee Yaman.

Afhayeenka isbeheysigaasi, Sareeye guuto Axmed al-Cassiri, waxa uu shaaca ka qaaday in ololohooda sanadka jirsaday ee Yaman uu ku dhowyahay gabagabo.

Hadalkan waxa uu ku soo beegmayaa ayadoo ay taagan tahay dooda ka dhalatay suuq Yaman ku yaalla oo la duqeeyay.

Suuqaasi waxaa lagu dilay inkabadan 100 qof.

Mareykanka waxa uu Sucuudiga siiyay taageero saad iyo sir ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yaman, kaddib markii ay dalka qeybo kamid ah qabsadeen.

Taageerada Mareykanka waxaa kamid ahayd hannaanka bartilmaameedyada si loo yareeyo in shacabka uu qasaare soo gaaro.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka, Josh Earnest, waxa uu sheegay in Mareykanka uu soo dhoweynaayo warka Sucuudiga ee ah in la soo afjaro howlgalka Yaman.

Dagaalka Yaman waxaa ku dhintay dad aad u badan oo shacab ah oo ay haleeshay rasaasta la isdhaafsanayo.

Waxa uu tilmaamay in Madaxweyne Obama uu dhinacyada oo dhan ku booriyay inay ku laabtaan wadahadallada nabadda ee Qaramada Midoobeey ay gacanta ka geysaneyso.

Mr Obama ayaa dhowr jeer dhinacyada dagaalka uu u dhexeeyo u sheegay in xal siyaasadeed uu muhiim yahay.