Dagaal ka dhacay Jubbada hoose

Lahaanshaha sawirka AFP

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay dileen laba iyo toban ciidanka Kenya ka tirsan, isla markaana laba kale ay nolol ku qabteen kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo ciidanka Kenya oo marayay meel u dhaxeysa Qooqaani iyo Afmadow ee gobolka Jubada Hoose. al-Shabaab waxay sheegeen inay sidoo kale ciidanka Kenya ka hubeen lix baabuur oo kuwa dagaalka. Dowladda Kenya wax hadal ah kama soo saarin, laakiin dadka deegaanku waxay xaqiijiyeen in dagaalkaasi uu dhacay.