Qaraxyo ka dhacay magaalada Brussels

Lahaanshaha sawirka PA Wire
Image caption Rai'sal wasaaraha Britain, David Cameron ayaa sheegay in uu ka argagaxay waxa ka dhacay Brussels

Laba qarax ayaa ruxay gagida diyaaradaha ee Zaventem ee magaalada Brussels.

Qaraxyadu waxay ka dhaceen goobta ay adeegsadaan dadka dhoofaya.

Waaxda dab damiska ee Belgium ayaa warbaahinta gudaha u sheegtay in ay dhimasho iyo dhaawacba jiraan.

Warbaahinta guduhu waxay sheegayaan in ay dhinteen 13 ruux 35 kalana ay dhaawacmeen, laakin wali lama xaqiijinin warkaas.

Ma cadda waxa sababay qaraxyada.

Qarax kale ayaa laga soo sheegayaa xarun tareenada laga raaco oo u dhaw xarumo ay Midawga Yurub leeyihiin. Xarumaha tareemaha oo dhan ayaana la xiray.

Dadkii ayaa laga daad gureeyay garoonka waxaana la baajiyay duulimaadyadii.

Qaraxyadani waxay imanayaan afar maalmood kaddib markii magaalada Brussels lagu qabtay Salax Cabdisalam oo ahaa ninkii ugu muhiimsanaa ee loo raadinayay qaraxyadii Paris ka dhacay bishii November.

Sawiro la soo dhigay baraha ay bulshadu ku xiriirto ayaa muujinaya mid ka mid ah dhismayaasha garoonka oo uu qiiq ka baxayo, waxaana jira warar sheegaya in jahwareer uu ka dhacay garoonka intii ay dadku isku dayayeen in ay ka cararaan qaraxa.

Adeegii tareenka ee garoonka ayaa la hakiyay dadkana waxaa lagu amray in aysan garoonkaasi aadin.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in ugu yaraan mid ka mid ah qaraxyadaasi uu ka dhacay goobta tigidhada laga xaqiijiyo ee shirkadda American Airlines ay ku leedahay garoonka gudahiisa, balse warkaas lama xaqiijinin.

Warbaahinta Belgium ee RTBF ayaa soo xigatay qof goob jooge ah oo sheegaya in uu arkay dad dhaawac ah iyo kuwo kale oo miyir daboolmay oo daadsan qaybta ay dadku ka dhoofaan.