Trump: Safaaradeena Israa'iil waxaan geyn doonnaa Qudus

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Donald Trump ayaa sheegay inuu safaaradda Maraykanka u rari doono Qudus

Ninka u tartamaya musharraxnimada xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka ayaa sheegay inuu safaaradda Maraykanka ee Israa'iil ka qaadi doono Tel Aviv oo uu geyn doono Qudus.

Trump ayaa la hadlayay ururka ugu saameynta badan kuwa u ololeeya arrimaha Israa'iil ee Maraykanka ee loo yeqaano AIPAC.

Donald Trump ayaa sheegay in siyaasadiisa dibbeda ah ee ugu horeysa ay noqon doonto in uu daaqada ka tuuro heshiiska Nukliyarka ee Iran.

Trump, oo ugu cad cad Musharaxiinta xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in heshiiskaasi uu halis ku yahay Maraykanka, Israel iyo Bariga Dhexe.