Dad u geeriyooday dhaawacyadii Brussels

Lahaanshaha sawirka Belgian Federal Police

Wasaaradda caafimaadka ee Belgium ayaa sheegtay in afar qof oo kale ay u geeriyoodeen dhaawacyadii ka soo gaaray weerarradii is miidaaminta ahaa ee ka dhacay Brussels talaadadii la soo dhaafay, taas oo tirada dadka dhintay ka dhigaysa sodddon iyo shan ruux.

Booliska dalka Belgium ayaa shaaciyey muuqaallo video oo cusub oo muujinaya qof saddexaad oo la tuhunsan yahay inuu isku miidaamiyey garoonka dayaaradaha ee Brussels.

Ilo ku dhow baaritaannada ayaa sheegay in ninkan uu yahay Faycal Cheffou oo hore loogu eedeeyey dambiyo argagixiso oo weerarka la xiriira.

Eedeymo ayaa sidookale la dul dhigay saddex qof oo kale oo axaddii la xiray, waxaana loo haystaa shaki ah inay ka tirsan yihiin koox argagixiso.