Israa'iil oo ka noqotay magacaabidda Dani

Lahaanshaha sawirka THINKSTOCK

Israa’iil ayaa badashay qofkii ay u magacawday in uu danjire uga noqdo dalka Brazil, kaas oo ay Brazil horay u diiday magacaabidiisa, sababta waxay ku sheegeen in uu horay hogaamiye ugu soo noqday dadka dagan dhulka lahaysto ee Falastiin.

Dani Dayan wuxuu hadda noqon doonaa qunsulka guud ee safaarada Israa’iil ay ku leedahay magaalada New York, arrintaasi waxay soo afjaraysaa todobo bilood oo uu jiray is mari waa dublamaasiyadeed.

Israa’iil ayaa horay u sheegtay in aysan magacaabidda kala noqon doonin Dayan.

Magacaabidda Dayan ayaa sababtay caro ay muujiyeen kooxo ay ku jiraan garabka bidix oo u ol’oleeyay in madaxwayne Dilma Rousseff ay diidio.

Masuulkaas oo ku dhashay Argentina ayaa gudoomiye u ahaa guduga Yesha oo ah dallad ay ku midaysan yihiin yuhuuda dagan dhulka lahaysto ee. Wuxuuna madax u ahaa sanadkii 2007 ilaa 2013-kii.

Waxa laga yeelayo yuhuudda dagtay daanta galbeed iyo dhulka bariga Qudus oo ay Falastiiniyiintu sheegtaan in ay tahay mustaqbalkooda ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu waawayn ee ay isku hayaan Israa’iil iyo Falastiin