Qaraxii Pakistan waxaa ku dhintay 70 qof

Qarax shalay ka dhacay dalka Pakistan ayaa waxaa ku dhintay 70 qof dhaawacana waxa uu gaarayaa 300 oo qof

Waxaa weerarkan sheegatay kooxda Taliban ka go'day ee Jamaacatul Axraar

Isbitaalada ayaa heegan la galiyay. sidoo kalena waxaa lagu dhawaaqay sadax maalmod oo tacsi ah

Madaxda caalamka ayaa cambaaraysay weerarka isqarxinta ahaa

Dadka dhamaaday ayaa u badan masiixiyiin u dabaaldagaysay munaasabada Easter Holiday

Sidoo kale goobjoogayaal meesha ku sugnaa ayaa sheegay in dadka dhintay ay caruur iyo haween u badan yihiin

Kooxda Jamaacatul Axraar ayaa horay ugu goodiyay inay weeraro qaadi doonaan