Biljimka nin laga shakisanaa oo la sii daayay

Dacwad oogayaal jooga Belgium ayaa sii daayey nin lagu eedeeyey dil argagixisonimo

Ninkan ayaa loo haystay qaxyadii ka dhacay Brussels todobaadkii hore.

Waxay sheegeen in caddaymaha ka dhanka ah Faysal loo haynin wax muujinaya

Waxaa la aamisanaa inuu yahay nin laga arkay kaamarada qarsoon ee garoonka Zaventem

Waxuuna markaasi la socday laba qof oo kale oo la sheegay in laga shakisan yahay

Laakin booliska Belgium waxay iminka shaaciyeen video dheeraad ah

Waxayna codsadeen in laga caawiyo sidii loo raadraaci lahaa ninkii koofiyada qabay

Arrintan ayaa dharbaaxo kale ku ah baaritaanka qaraxyada oo ay 35 qof ku dhinteen

Xus loo sameeyey dadkii ku waxyeelloobay qaraxyada ayaa lagu qabtay kaniisad magaalada ku taalla