Soomaali budhcad badeednimo loo haysto

Lahaanshaha sawirka AFP

Todobo ruux oo Soomaali ah oo looga shakisanyahay in ay yihiin budhcad badeed ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taala magaalada Paris, ee caasimadda u ah dalka Faransiiiska.

Waxaa lagu eedeeyay in ay afduubteen Markab ayna dileen ninkii lahaa oo Faransiis ah, ayna afduubteen xaaskiisii.

Waxaa haweenaydaas soo badbaadiyay ciidammo reer Spain ah kaddib markii loo wareejiyay doon ay budhcad badeedu leeyihiin.

Dhacdadaasi waxay dhacday sanadkii 2011, markaas oo budhcad badeeda Soomaalidu ay hawlgalo badan fulinayeen.

Arrinta budhcad badeeda ayaase aad hoos ugu dhacday, waxaaloo aaneeyay maraakiibta shisheeye oo ee gaafwareega badda iyo Maraakiibta oo qaatay waardiyeyaal hubaysan oo ka tirsan shirkado ammaanka ka shaqeeya.