Maxkamad sare oo go'aan ka gaartay Zuma

Lahaanshaha sawirka
Image caption Lacagta uu guriga ku dhistay Zuma ayaa waxaa ka yimid su'aalo badan.

Maxkamada sare ee Koonfur Afrika ayaa go'aan ka gaartay dacwad Madaxweyne Jacob Zuma oo la xiriirta lacagta dowladda oo lagu bixiyay guri uu dhisanayay.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Mr Zuma uu ku guuldaraystay inuu adeeco dastuurka, isagoo iska indho tiray baaritaankii ay sameeyeen hayadda la dagaalanka musuqmaasuqa.

Hogaamiyaha mucaaradka ayaa ku baaqay in madaxweynaha uu xilka ka dago.

2014-kii ayaa hayadda ilaalada lacagta dadwaynaha ee Koonfur Afrika, ay heshay in madaxweynaha uu ka faa'iiday malaayiin dollar oo gurigiisa uu ku dhisay.