Turkiga: 4 Boliis oo ku dhimatay qarax

Lahaanshaha sawirka

Afar boliis ayaa ku dhintay qarax bomb oo ka dhacay magaalada Diyarbakir ee koonfur bari Turkiga.

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay meel u dhow saldhig bas, sida ay sheegeen ilo saraakiisha ammaanka. Wali lama oga cidda ka danbaysay qaraxa.

Ciidamada Turkiga ayaa dagaal kula jira mucaaradka Kurdiyiinta ee PKK ee gobolka.

Xabad joojin u dhaxaysa dowladda iyo PKK ayaa burburay bishii July sanadkii hore.

Tan iyo intaas dagaalka ayaa kordhay, iyadoo mintidiinta ay weerarayaan ciidamada, ciidamadana ay dagaal ku qaadayaan magaalooyinka Kurdiyiinta.

Bomka ayaa sida lagu soo waramayo qarxay markuu ag maray baabuur boliis, dad rayad ah iyo boliis ayaa ka mid ah dhaawaca.

TAK, oo xiriir la leh PKK, ayaa sheegatay inay ka danbaysay laba weerar oo Ankara ka dhacay dhawaan oo ay ku dhinteen in ka badanlixdan qof.

Weerarka ayaa yimid iyadoo uu qorshahu yahay in Ra'iisalwasaaraha Turki Ahmet Davutoglu uu booqdo Diyarbakir.