Aung San Suu Kyi oo yaraynaysa shaqadeeda

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Aung San Suu Kyi ayaa hogaamisa xisbiga talada la wareegay Arbacadii ee NLD.

Aung San Suu Kyi ayaa iska yaraysay wasaaradaha ay maamulayso dowladda cusb ee Myanmar.

Hadda lama wareegi doonto wasaaradaha waxbarashada iyo tamarta, laakiin waxay wali ahaan doontaa wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka xafiiska madaxweynaha.

Baarlamaanka ayaa soo jeediay inay qaadato jago cusub oo u dhiganta ra'iisal wasaare.

Aung San Suu Kyi ayaa hogaamisa National League for Democracy (NLD) oo xukunka la wareegay Arbacadii.

Laakiin waxaa laga mamnuucay inay madaxweyne noqoto, saababtoo ah ilmaheeda ayaa haysta dhalasho ajnabi.

Sidaas darteed waxay go'aan ku gaartay inay waddanka uga ka taliso meel gadaal ah, iyadoo adeegsanayso ninka ay xulufada yihiin iyo saaxiibka ee Htin Kyaw, oo noqday madaxweynaha cusub.

Laba qof oo ahaa shaqaale dowlad ayaa loo magacaabay inay la wareegaan wasaaradaha waxbarashada iyo tamarta.