Qubrus oo dhoofinaysa afduubihii diyaaradda Masar

Image caption Qubrus waxay oggolaatay inay dhoofiso Seufu Diin Mustafa

Dowladda Qubrus ayaa oggolaatay in ay Masar u dhoofiso nin lagu eedeeyay todobaadkii la soo dhaafay in uu afduubtay diyaarad.

Sayfu Diin Mustafa, oo 58 jir ah, ayaa waxa uu afduubka diyaaradda EgyptAir u adeegsaday suun macmal ah oo uu sheegay in ay ka buuxaan walxaha qarxa.

Diyaaradda ayuuna ku qasbay inay weeciso duulimaadkeedii isku xirayay labo magaalo uu ku yaalla Masar.

Mustafa ayaa la sheegay inuu qabo cudurka dhimirka.

Waxaa lagu soo oogi doonaa dacwad ah inuu burcadnimo ka gaystay hawada sare iyo inuu dad u cagajugleeyay.

Dhacdadan ayaa la aaminsan yahay inay sababtay muran dhexmaray Mustafa iyo xaaskiisii hore oo ku nool Qubrus, kaas oo la sheegay inuu ku kallifay inuu diyaaradda ka dejiyo Qubrus.